Igu dheere Inantani
Waataan dhursugayee
Dhuuniga u diideen
Hurdo uga dhaqaaqee
Dheeheeda midabkale
Waa mid loo dhammeeyoo
Aaa maba kala maba kala
Maba kala dhantaallee

Amba kugu dhadhabayoo
Labada isu dhigantaa
Mid hadduu dhantaalmana
Dhisme uma hagaagee
Amba dhuubtey awgaa
Habeennadan dhibaatee

Dhayalsadey Jaceylkuye
Inta dhan ii ridey
Ma dhex galay wadnaha oo
Mala dhuuntey awgaa

Amba dhamac kalgacal baa
Inta aan la dhalandholay
I dhalaalineysoo
Dhexdu ila yaraatee

Dhadhab kugu xasuustoo
Riyo kugula dheelee
Dhalal xuuralceyney
Dhanaad qabatay waayee
Kolkaad soo dhawaataa
Dhulku wada iftiimaa
Aaa maba kala maba kala
Maba kala dhantaallidee

Laba kala dhignaatoo
Waxaan nahay dharaar qura
Haddii ay is dhaafaan
Isu dheeliyeysee
Amba dhuubtey awgaa
Habeennadan dhibaatee

Dhayalsadey Jaceylkuye
Inta dhan ii ridey
Ma dhex galay wadnaha oo
Mala dhuuntey awgaa

Amba dhamac kalgacal baa
Inta aan la dhalandholay
I dhalaalineysoo
Dhexdu ila yaraatee

Sida dhuub gu’yoo baxay
Ama dharab arooryaad
Dhillowyahanka ubaxa leh
Dhaayaha u rooneey
Dhab u socodka laafyaha
Waa midaad u dhalatoo
Aaa maba kala maba kala
Maba kala dhantaallidee

Amba kuma dhaliiline
Sidaad iigu dheer tahay
Dhaxalkeyga kugu qoray
Inaad tahay kaan dhowrtee
Amba dhuubtey awgaa
Habeennadan dhibaatee

Dhayalsadey Jaceylkuye
Inta dhan ii ridey
Ma dhex galay wadnaha oo
Mala dhuuntey awgaa

Amba dhamac kalgacal baa
Inta aan la dhalandholay
I dhalaalineysoo
Dhexdu ila yaraatee

Lyrics by Cabduqaadir Xasan Shaaciye

Exit mobile version