Igu dheeri inantani
waatan dhursugayee
dhuniga u diideen
hurda uga dhaqaaqee

dheeheda midabka leh
waa mid lo dhameyoo
maba kala maba kal mabala dhantalnee

Amba kugu dhadhabayoo
laba isku dhiganta
mid haduu dhaltaanmana
dhisma uma hagaage

Amba dhamac galgacal baa
i dhalaalineeso
dhexdu ila yaraatee

dhagar qabe jacaylbaa
inta uu dhan i riday
ma dhex galay wadnaha oo
ma la dhuubtay awgaa ma la dhuubtay awgaa

Dhadhab kugu xasuustoo
Riyo kugula dheelee
Dhalad xuural cayneey
Dhanaad qabatey waayee

kolkaad soo dhawaataa
Dhulku wada iftiimaa
Maba Kala dhantaalee

Amba kuma dhaliilinee
sidaad iigu dheertahay
dhaxalkeyga kugu qoray
inaa dhahal kaa dhaafee

Amba dhamac galgacal baa
i dhalaalineeso
dhexdu ila yaraatee

dhagar qabe jacaylbaa
inta uu dhan i riday
ma dhex galay wadnaha oo
ma la dhuubtay awgaa ma la dhuubtay awgaa

Exit mobile version