Qoomaal

Waa mahad allee
Maalin lagu farxee
Mudaniyo marwaa
Maherkoodii dhacay

Marya mursal

Marxabeeyo oo
Midigta isla hela
Sacab iyo mashxarad
U qashuuc Arooos

Owlaad masuuloo
Maslim ahoo diin leh
Mahamed iyo roodaay
Murta oo mowla ha idinsiiyo

Qoomaal

Miisaan usocod
muuq iyo hanaan
Maariin dhalaal
Kala midab qurxoon

Maryan mursal

Madaxii ragiyo
Maalkiyo midkii
Aqoontisa malab
Maxamadow tahee

Owlaad masuuloo
Maslim ahoo diin leh
Mahamed iyo roodaay
Murta oo mowla ha idinsiiyo

Qoomaal

Maskaxdiyo qalbiga
Mowjadaha dhiigiyo
Maankaad ku mirantee
Malab aad u noqote

Maryan Mursal

Maamuus kalgacal
Muxibiyo jaceyl
Ayey maxamadow
Qudha kuu qabtaa

Owlaad masuuloo
Maslim ahoo diin leh
Mahamed iyo roodaay
Murta oo mowla ha idinsiiyo

Qoomaal

Maankiyo iftiin
Ubaxii mandheeriyo
Laasqoray ka muuqda
Miliqsiga ku mood

Maryan mursal

Sida geed mareeriyo
Dhirta oo mogasho
Mirihii baxeen
Sida kugu masaal

Owlaad masuuloo
Maslim ahoo diin leh
Mahamed iyo roodaay
Murta oo mowla ha idinsiiyo

Exit mobile version