dalanbaabi baan ahay
waan wada damqanayaa
jidhku way dubaaxshaa
sababtuna ma durugsana
qoyskaa dartiibaan
la dakaamayaayoo
dadabtay ku noolay
gabadh lagu dulmaan ahay
waxay igu dirqiyiyaan
kalgacyl dahsoonoo
ka hor maray da,diisii
aan la hayn dadkiisii
deelqaafka waayaha
qoys daryeel la,aaneed
waxa loogu dawgalay
damac aan qorshe lahayn
ana waan daliganahay
waxan doono maba helo
waxaan diido ima gefo
waxaan doorto maba garan
darajada kalgacaladu
dadku ma u gudboonyahay
danyaruhu ma gaadhaa
maxaa tayda duudisiyay

Exit mobile version