doonimayno anagu
afka duubka duul islaama
diin u sheegta dadka laaya
dooni mayno
kursi boobe dulmi wada
dadka dhiba aan la dooran
dooni mayno
dagaal ooge dhiiga dadka ku dawooba
wax ku maaga dooni mayno
dooni mayno intabaa dooni mayno
dooni mayno dagaalka dooni mayno
dooni mayno dulmiga dooni mayno

dooni mayno anagu dooni mayno
duub cadaale duudsi badne
dane qabiila u doodaaya
dooni mayno
damiir laawe dal shisheeye
daba ordaayo aan la diran
dooni mayno
dumarkiyo da,aykiyo hooyo dagan
duul kufsade dooni mayno
dooni mayno intabaa dooni mayno
dooni mayno dagaalka dooni mayno
dooni mayno duliga dooni mayno

dooni mayno anagu dooni mayno
dadka baade doonya qaate
bada meera doolar doone
dooni mayno
damac badne deeq shisheeye
dadku keene sii dalaala dooni mayno
dayaciyo dalanbaabi
dadkayaga u horseeda dooni mayno
dooni mayno intabaa dooni mayno
dooni mayno dagaalka dooni mayno
dooni mayno dulmiga dooni mayno
dooni mayno intaaba dooni mayno

Exit mobile version