jawharo jiroobyiyo
mayay uu ku joogsaday
jidhaamaha xareeduna
beeraha dhex jiiftoo
jeegaan qurxooniyo
jawui aad u wacaniyo
dhirta jinaw dhanaankii
ubax jadba jaadii
dusha uu ku jaran yahay
jeer quroon jaleecdaa
indhuhu ay jeclaystaane
ha jirtoo ha joogtee
janadii aduunkaay
jawhareey ma nabadbaa

waa meel jaliilki
jeefaaf abaaariyo
jajabiyo dhibaatiyo
uu ka qariyay jiilaal
iyo jabad barwaaqoo
jaariyo walaalnimo
jihadii aad eegtaba
lagu joogo nabadoo
farxad joogta waligeed
jeer quroon jaleecdaa
indhuhu ay jeclaystaane
ha jirtoo ha joogtee
janadii aduunkaay
jawhareey ma nabadbaa

Exit mobile version