saxan saxada roobkoon sanadadan sugayaa
sankayga saaranoo iisoo carfaysee
nafta samaro kaliyoo adaan kuu sasabayaa
sadriga iyo laabtaan salaan kaaga soo diray
sanadahan adigaan ku sugayoon ku saadaalinaaye
helay hibiilow waayaaboole
sadex walxaado ku taal siinka adoo sidaan soo dhaweeyaaye
sadkii jacaylkoo sidisiiya adoo sidaan samirkiyo dulqaadkii
sidiisiiya samihiyo wanaaagoo
sakaan soo guray ubaxyadaaan kusiin lahaa
kugu soocay midabadana sidii aad jeclayde
sacabadan ku sidayoo adaan kula sugayaa

Exit mobile version