hadba walalacdaadii la ii kaa widhwidhiyoo
wanaagiyo kalgacal la igu kaa wadhyee
walbahaare jacaylbaa i waraabiyee
wajigana xishood kaaga waabtaye
warsan iyo weedhsan ii soo wacee
kuu soo wacnee warsan iyo weedhsan kuu soo wacnee

naftu waalalawdoo kaa daba waraaqdoo
waqalkii cirkaa i dul waabanoo
wadiiqada halmaamoo wadar tiigsadee
WAYNAHA baryee isma wayno ee

Exit mobile version