Maalintan samaha helay
Puntland salka u dhigay
Sannad guuradeedaan
Sacabada u tumaynaa
Tubti sahankeedu maray
Sax baan guushii hante
Wataas socoto tagtaye
Barwaaqo ku soor allow
Mudug sool iyo karkaar
Nugaal bari iyo Sanaag
Seeraha gobolada puntand
Nabada sintay ee dhextal
Siyaado ka yeel Rabbboow
Malintan samaha helay
Ku suntaday agoostee
Sabi iyo haweenkoow
U soo baxa dhamantin
Inkastoon abnigi sugnoo
Aynu gaarnay meel sare
Waxan saadsha misana
Qarankii soomaali wayn