Xiskiyo mankiyo nabdiga
Xasuusaha laabta yaal
Adaa ku xawilay qalbiga

Midaan xushay oo jeclahay
Inteey duni xaadir tahay
Anigu kama xiisi karo

Xogteena ku qari niyada
Waxaa jira qaar xin badan
Intuu nacab kala xayiray
Lamaane isku uur xalnaa
Xabiibi dareen u dhigo

Xulkii dumarkiyo naftaay
Adaa xarumaha wadnaha
Dareenka ku xiray jacayl

Midaan xuso koor kastaay
Intaan xayi ahay aduun
Marnaba kuma xoori karo

Xogteena ku qari niyada
Waxaa jira qaar xin badan
Intuu nacab kala xayiray
Lamaane isku uur xalnaa
Xabiibi dareen u dhigo

Exit mobile version