VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Damiir - Lyrics

Dhuuraha balaayaha Bal dareenka dhiibiya Bal ogaal ku dhiirada U dhug yeesha baahida U dhag taaga qaylada Bal dhagaysta naafada Maxastiyo dhulyaalada Ka neefiya dhagoolaha Dhibanaha la moogaha Iyo dhimirka waayaha Lagu falo dhibaatada Nin laxaad dhamaystiran Rabi xoog u dhaliyoow Lafta dheeree dhabarkiyo Mid luguhu ka dhiman yihiin Bal dhankiisa daymoo Dhaaye qabe indhoolaha Ma dhawayn karaysaa Hawliyo dhibtuu qabo Bal dhacdooyin faalee Dib u raac dharaaraha Taariikhda dhaarayaa Dhawra baylahdeenoo Dhinacyada bal daawada Maxaa aabo dhabaniyo Dhafoor ciro yeeshoo Imisaa dhalaan jira Iyo hooyo dhaawacan Imisaa dhasheenii Iyo dhalinteenii Dhaxantiyo banaanada Weheshada dhurwaayada Imisa nin dhaqameed Garashiyo ildheeraa Dhulka maanta yaaloo Maankiisu dheeliyay Imisaa ma dhaafaan Dhamac iyo ma liicaan Dhisi jiray wax dhigi jiray Dhaqan jiray wax dhaqi jiray Marka ay dhanaan tahay Dhulka hooyo jiri jiray Dhicin jiray ku dhiman jiray Dhiirdhiiranaan jiray Waayo guusha dhalin jiray Dhex wareega suuqyada Isagoon dharkii qabin Dhex wareega suuqyada Kuwa dhimirka waayee Xisku kala dhantaalmee Huga iyo maryaha dhiga Waaye dhaxan qaboobiyo Milicda iyo dhamcdii Inta ay dhirbaaxeen Dhalan rogay jidhkoodii Ee dawlad dhawrtoo Dhibtaa uga miciintoo Dhakhtar lagu daweeyiyo Shicib dhuuni siiyoo Dheef uga adkaadiyo Arxaniyo dhaqaaliyo Aanan dhagonugayl arag Dhinacaad ka joogtay Dhibtu kaga banaantee Hadii aanad dhaabayn In dhabtoodaa taalaa Ugu filan dhibaatee Haku falina dheeraad
Queue is empty
-- / --