VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Damiir mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Maslax mideeye
Damiir

Dhuuraha balaayaha
Bal dareenka dhiibiya
Bal ogaal ku dhiirada
U dhug yeesha baahida
U dhag taaga qaylada
Bal dhagaysta naafada
Maxastiyo dhulyaalada
Ka neefiya dhagoolaha
Dhibanaha la moogaha
Iyo dhimirka waayaha
Lagu falo dhibaatada

Nin laxaad dhamaystiran
Rabi xoog u dhaliyoow
Lafta dheeree dhabarkiyo
Mid luguhu ka dhiman yihiin
Bal dhankiisa daymoo
Dhaaye qabe indhoolaha
Ma dhawayn karaysaa
Hawliyo dhibtuu qabo

Bal dhacdooyin faalee
Dib u raac dharaaraha
Taariikhda dhaarayaa
Dhawra baylahdeenoo
Dhinacyada bal daawada
Maxaa aabo dhabaniyo
Dhafoor ciro yeeshoo
Imisaa dhalaan jira
Iyo hooyo dhaawacan
Imisaa dhasheenii
Iyo dhalinteenii
Dhaxantiyo banaanada
Weheshada dhurwaayada

Imisa nin dhaqameed
Garashiyo ildheeraa
Dhulka maanta yaaloo
Maankiisu dheeliyay
Imisaa ma dhaafaan
Dhamac iyo ma liicaan
Dhisi jiray wax dhigi jiray
Dhaqan jiray wax dhaqi jiray
Marka ay dhanaan tahay
Dhulka hooyo jiri jiray
Dhicin jiray ku dhiman jiray
Dhiirdhiiranaan jiray
Waayo guusha dhalin jiray
Dhex wareega suuqyada
Isagoon dharkii qabin
Dhex wareega suuqyada

Kuwa dhimirka waayee
Xisku kala dhantaalmee
Huga iyo maryaha dhiga
Waaye dhaxan qaboobiyo
Milicda iyo dhamcdii
Inta ay dhirbaaxeen
Dhalan rogay jidhkoodii
Ee dawlad dhawrtoo
Dhibtaa uga miciintoo
Dhakhtar lagu daweeyiyo
Shicib dhuuni siiyoo
Dheef uga adkaadiyo
Arxaniyo dhaqaaliyo
Aanan dhagonugayl arag

Dhinacaad ka joogtay
Dhibtu kaga banaantee
Hadii aanad dhaabayn
In dhabtoodaa taalaa
Ugu filan dhibaatee
Haku falina dheeraad

codkii Maslax mideeye