Dawooy adaan kuu doonayaa
Adigaan dartaa u daalayaa

Inaan dayoon daymada arkay
Diidayaaan way iga dadeen

Aduunyo la'aantu ciilbay dishoo
Sidaa darteedba dib ii dhigtee

Waanigii danyaraayee
Dawga toosan yaqiine
Mar dabayshu i qaadaa
Dabka la igu istaadhee
Dawadaa aaska/dikhil taalaa
Wadka oon i daalin
Waanan dayn karaynoo
Waan daalayaaye
Dadyahaw salaamada

Waanigii daganaayee
Dulmi aanan ogaynee
Niyada iga duushaa
U darnaatay naftaydee

Exit mobile version