hoobalow hele hilawle
hoobalow hele sidirigam

soomal waa magacayga
sooyalk la iigu dhigay
sifadii aan sidkeena bilan
siidhkii lagu sugee
jiidhkii lagu qoray
sumadii lagu qoray

hibodooyo hiloobeye
hariimadee hanaaboo
niman helaba ma hanbayn

saraynta ruux uguma faano
sinaantan la magac ahay
horaad nin igu sariigtay
gurigayga kuma sareen
martida waan sooryeya
magana way ku seexdane
sidirigam somaalay

hooy way kaa
oo hadana way kaa
idhaeeye way kaa
hoobalow haaheeya

dad walaalo ah baan nahay
sinji u mideeya heeya
layna kala sooci maaye
layna siri maaye heeya

kumana saluugaye heeya
umadeena u safanaya heeya
saaka mid baynu nahay heeya
waan saacidi dhibanaygoo
anaa dushayda saaranee heeya

yaa himaami kara
seerka moyaale
yaa ka seexan kara
dhulkii dhuun yar

saluugi maaye sinjigaygee
qabiil la iguma sifeeye sowka
dhawaaqayga heeya
shabeelna taagan garabkayga
saw jarar midigtayda
sitti ka dhigay gaashankayga
sawkaa afdheer joogeyga
faafan ka dhigay sumcadayda
sawkaa doolo sharaftayda
qoraxay ka dhigay sooyaalka
sowkaa liiban hidahayga
erer siiyay karaamadayda

sumadaydu waa ceelweyne
sinjigaygu miyuu kala
maarmayaa heeya
anaa ka dhashoo sidanaya heeya

Exit mobile version