samo waan baraarugay
maanta waa baanay
baalkii waa inoo dhigay
bogihii nagu tiilay
badankii waa la dhayay
yaa bad qaba
oo yaa baahanoo
oo yaan u dirmada

samo waan baane
bartii aan ka bilownay

qaarbaa nagu bilabay
burburkii noo hisheeyay
dadkaygii qumana
qaraarkeeni adkaa
maxaa saa ka qaribay
qisadeeni bilaw
ma maanta la qayibay

baystay anigoo ahaa
banaadir la idhagay
hadii lagu faani jiray
ninba meelbu ka baxay
dhaxdeenu ku dhacay

ninkii badbaadi lahaa
beer laxawsiga laga jaray
bogiisa laga tiray
badweynbuu nagu riday

samoo waan baanay
maanta baraarugey
ba'ayda waan qarsada
badhaadhaha kuma faano
balaayadu hareerahayga

baaqa kuwii inoo waday
bulshow tashada yidhi
bariba maba gaadhine
bishuba maba ay diilane
maanta miyuu bislaaday
bahdii miyuu ka daalay
mise kursiba badalay
waaka afkiiba ba' ee

Exit mobile version