waan dabaal degayaaye

wax i dhibayaan diidayaa
dantaydaan daryeelayaa
dookhayga anigaa ogoo
farxad baan kuu diyaarinayaa
waan u dabaal degayaa
waan dabaaldegayaaye

himiladaan doonayoo
dadaal baan ugu jiraa
hadii aan guul daraystana
waan daalay kuma degayee
duruus baan ka qaadanayaaye
docdaa khaladku soo galaybaan
diiwaankayga ka saxayaayoo
dibaan u bilaabayaa

waan dabaal degayaaye

duruufuhu ima celinayaanoo
dunidan iguma ciilanayaaye
duunyo haday ii hayso
danahayga ma gaabinayee
nafna daa'in ma abuurayoo
wax i dheeri masoo degin
mana dulayn adoomihiisoo
waxay tabaan uma diidin
ima daayicin
ima doorinin
waa deeqsiyo
ima dayrinin
dabciguu isiiyay
maan daadinin
waan dadaalayoo
ma aan daciifin

waan dabaal degayaayee

anigana damiirkaygiyo
dulqaadkaygu muu lumin
ruux dilaaliyo danaystaha
dawgiisii maan marin
madaxayga umaan dajin
hoos umaan dhigin
shakhsi igu diganayoo
baahidayda aan dareemin

doorkuu magacaygu joogo
daryeelkiisu ani weeyi
ruux daneeyaa dibjirna
ana diiday ana nashaado
ruuux i daafacaya
ma dooxayee
waan dabiiibayaa

waan dabaaldegayaaye
waan dabaal degayaaye

Exit mobile version