VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Meesha maxay duntu mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Maxamed Adan Dugsiiye
Meesha maxay duntu

maxay dantu ciishay wiiloo dulqaad iyo deeq lahaayoo
dadkuna doqon moodayaan
adigoo daganaa abaar marbuu dir kuu da aayooy
daruuruhu kuu curtaanooy xareed kudabaalata
intay deeqda eebe maqantay
ha dilin hana iga dagaalin dobkaa igu yaalee
ax wadnahaa damqashada ka daa

maxaa laba ruux is doortoo dabuube dusha looga qariyo
kuwii xigay loogu daw galay
maxaa duni lagu lug go ayoo innaba nabad lagu dagaynoo
sidaad doonayso noqonayn
intay doqoniimadaada tahay intay doogi abaar yahay
ha diidin hana iga dagaalin nacasbaa dabraayee
miyaan dakharkaba ogahay

habeenki oo dam yidhiyoo qudcurka daahiisa rogayoo
dabayluhu foodh yayaan
halkii adi kuu darayd illaah waa kaa duwaayoo
dibaad uga joogsataa
adigu doori jaada iyo dareemada jiidhi lahaa
marbuu dayax soo baxaayood abeesada uuba leeyoo
daluunta ka weecataa

waxaad doonayso oo daraadii u liidato oo adiga kuu
dabrananbaa
dibjiray ruuxiisa iyo dubkiisa la dooriyayoo dadkuna
kugu caayayaan
adoo dayr adag illaahay kaa dunshaa danayso adoo lahaa
marbaad dacar qooshataayood dhukaal ku dur duurataa

codkii Maxamed Adan Dugsiiye