Ayaaneey haweenkiyo
Aynigan hablaha jira
Edebtiyo xishoodkiyo
Asluubaad ku dhaaftee

Alihii ku uumaa
Qurux kuu idleeyoo
Saxansaxo udgooniyo
Ubax soo baxaa tahay

Ilayskii cadceediyo
Nuur iftiimayaa tahay

Ifka intaan ku noolahay
Ku ilaawi maayee
Uurkaad ku taalaa ayaaneey
Uurkaad ku taalaa

Aroortii markaan kaco
Naftu aragtidaaday
Ku il doogsataayoo
Farxadbaan ilmeeyaa

Ha ku dhawro eeboo
Dhibka kaa ilaashoo
Aakhiriyo afuunkaba
Istareex ku noolow

Ilayskii cadceediyo
Nuur iftiimayaa tahay

Ifka intaan ku noolahay
Ku ilaawi maayee
Uurkaad ku taalaa ayaaneey
Uurkaad ku taalaa

Exit mobile version