Qalanjadii haweenkaa
Qaadirkii ku uumaa
Qurux kugu manaystoo
Qadra qaalibaa tahay
2×
Qosolkaaga wacaniyo
Dhexdan taako qabadkaa
Qun yarida talaabada
Qeyrkaa ku dhaaftee
2×
Calaf eebe kuu qoray
Cidi kaama qaadoo
Badu kaama qarisee
Adna taa qirada gali
Qadra taa qirada gali
2×
Qaaradaha aduunyada
Quruumaha ku nool gabi
Ruuxaan kugu qiyaaso
Kula qeyb dhigaa jirin
2×
Indho qabad wanaageey
Qalbi adiga kuu nool
Ku qushuucsan qadarnaa
Qaadir ha isku keen simo
2×
Calaf eebe kuu qoray
Cidi kaama qaadoo
Badu kaama qarisee
Adna taa qirada gali
Qadra taa qirada gali
2×