Raxmaay aragtidaadaa
Igu riday jacaylkoo
Ruuxdiyo wadnaha iyo
Maankaa ku raacee

Timahaagan digilkee
Laydhu ay ruxaysee
Timo araxda raacaa
Nafta waa u riyaaqdoo
Rabitaanka awgii

Ku riyooday inagoo
Raaxaysanaynoo
Raas wada xariirana
Rukumada u taagnoo
Kaa dul sheegnay caashaqa

Kacayoo hogiidloo
Intuu daadku soo rogay
Raadiyo xumayniyo
Daci taan ka raadshee

Raysku uu qoyaan yahay
Lama shido il qabato
Oo ramaga dhakatii
Beeraha dhexdoodiyo
Rugta aanu dhaafeyn

Ku riyooday inagoo
Raaxaysanaynoo
Raas wada xariirana
Rukumada u taagnoo
Kaa dul sheegnay caashaqa

Exit mobile version