Hadii xurmo haweeniyo
Xishood dumarku leeyahoo
Lagu soo xanaanee

Tii loo xantooshee
Quruxdiyo xaragadaba
Xuural ceyn la moodaay

Xaaskaygii ayaaneey
Xaawaleyda oo idil
Xidigtaan calmadayee
Xilahaygii noqotoo
Sheekadu inoo xiraan

Hooyadii xambaartaa
Lagaa xoolo bixiyoo
Dhama lagaa xareeyee

Xaajigii dhalaybaa
Xeel dheeri garashiyo
Xurmo lagu manaystay

Xaaskaygii ayaaneey
Xaawaleyda oo idil
Xidigtaan calmadayee
Xilahaygii noqotoo
Sheekadu inoo xiraan

Xaakim mahadii weeyaan
Sheekadu inoo xiraan
Xaakim mahadii weeyaan

Exit mobile version