inaan beer nuglaadoo
baahidaydaa soo qoro
adigaa igu beeree
bilic dumar qurxooneey
biyo dahab la moodyeey
boqoradi haweenkaay
ma bil dhalatay baa tahay
boga wadnaha iyo
hadii beerka la i qalo
nimcooy baar haweeney
ruuxdaba badh baa tahay

ha baylihin kalgacalkoo
ku dhex beer wadnaha oo
balantiyo axdiga dhawr
muxuu bilan haweeneey
caashaqu i baday ciiill
oo aan kuu basaasoo
iindhahaygu booyeen
boga wadnaha iyo
hadii beerka la i qalo
nimcooy baar haweeney
ruuxdaba badh baa tahay

Exit mobile version