nasbeey haweenkiyo
hablahaa kalee nool
adaan kaaga nugulahay
nabar iyo wax gaadhiyo
ka jir naafo caashaqa
sida naqa iyo doogaa
nafta raali galisaa
sida nuur ifaayana
niyadaadba daartaa
noloshaba macaankeed
waa naftoon wadaagnoo
raaxo nabad ku gaadhnee
nafaad ladin habeenkii
wehelkeed ma noqotaa

hdoneey nolosha guurkaa
lagu wada nagaadaa
lama waayo nacabiyo
nuxuus dhiba jacaylkee
ka ilaali naafada
nafta raaxadeedaay
nimco lagu durduurtaay
ku nooloow naruuriyo
nolol aan nacayb jirin
noloshaba macaankeed
waa naftoon wadaagnoo
raaxo nabad ku gaadhnee
nafaad ladin habeenkii
wehelkeed ma noqotaa

Exit mobile version