neecaw udgooniyo
nabad iyo naq roobiyo
dhul nabaad ku yaaliyo
waxaa tahay nugaal
aan ku naawilaayee
ax nabarada jacaylkaa
i naanibaaninaayoo
ma nuuxnuuxsan karayee
nimcooy nabad ku noolow
noloshaan cagaariyo
ha ahaato cayn cayn
cado midabkiileeyeey
cimrigaaa sii joog

noloshaa aduunyada
nabar kuuma yeeloo
reer nabad u guuraan
kuusoo nagayn lahaa
noocaad u taaliyo
neerfaha jidhkaagay
nooluhu la yaabaye
sideen kuu necbadaa
noloshaan cagaariyo
ha ahaato cayn cayn
cado midabkiileeyeey
cimrigaaa sii joog

Exit mobile version