dabacsanida codkaaga dhagahaa ku dawooba
daymadaa aragaaga marna kaamaba daalo

marka uu dadku seexdo habeenku dam yidhaahdo
inta aan dabshitaan daawada sawirkaaga

dulucdii wadnahayga qalbigana dacalkiisaan
sawirkaagan ku daayee magacaaga ku duugay

adigaa nafta daahshay daweedada ahaaday
geesigaan dugsanaayoow kaan naftayda
u dooroow

anaa u diyaara inaan dad ku dhaafsho
wax kastooy naftu doonto inaan dusha sarto

anigaa kula dookha dacalkaaga la taagan
daahfurkii nolosheena daah furki noloshena

Exit mobile version