Dhaka faarka jacaylka
Kalgacayl dhicisooba
Labkiyo dhidigii maxaa
Kala haysta dhibo abuur
Dadka qaar dhalanteeda
Inta dhihi taqaan hadal
Dheel dheelaawaha badan
Labkana dhankoodaa
Dhidig looga soo dhacay
Qiiro aan gun lahayniyo
Cishqi been ku dhismaa
Wuxuu sii dhaqnaadaa
Waa dharaar iyo maalmo
Dhalin qoys yagleesha
Waa waxa dhakhsaha
Dhawanaha bulshada
Ay ukala dhaqaajaan
Inaga keen yuu dhicine
Dheeli noqon kalsooniduye
Rajadaan dhisaynana
Xaasid yuu dhantaaline
Ka awd dhagahaaga
Nacab jecel dhaliisheena
