wax kastoo dhib xambaarsan
dadku waa xaliyaayee
xubi laysku xaf dhaafay
iska xaal fog weeyeee
hadii laysku xanaaqo
hadii laysku xujeeyo
xidhiidhkeeda kalsooni
abidkii ma xumaado
inkastoo xurguf gaadho
mar mar uu xanaf yeesho
ama uu dhibo xaasid
jaceyl xoogleh ma wiiqmo

wax kastoo leh xisabtan
dhibta uu xadidaaye
cishqi xeer lagu taagay
xadhigii lama gooyoo
hadii laysu xurmeeyo
siweyn laysu xushmeeyo
ama laysu xaqdhowro
xagal daac ma imaado
inkastoo xurguf gaadho
mar mar uu xanaf yeesho
ama uu dhibo xaasid
jaceyl xoogleh ma wiiqmo
inkastoo xurguf gaadho
mar mar uu xanaf yeesho
ama uu dhibo xaasid
jaceyl xoogleh ma wiiqmo
wax kastoo dhibxambaarsan
dadku wuu xaliyaaye
cishqi xeer lagu taagay
xadhigii lama gooyo

Exit mobile version