bari hore waxa jiray
inan aan biliyo laba
hadal kaaa bixino
ragu baadi goobaan
bari arag ku waydaa

waxa badalay kuwii hore
balo geesoo dheeroo
buur madaxa saartoo
suuqa borotamaaye

naa biisay dhaqankii
sharcigii ka baydhoo
diintii burburisee
hablow maad is badh qabataan

bari hore waxa jiray
inan barax galiyoo
faraskii baxdoo waba
yarad looga bixayaa
bunduqana la raacshaa

waxa badalay kuwii hore
isu boga badh maqanoo
bahdii ay ka dhalatiyo
baylihisay waanee

Exit mobile version