intaan kala dhoofiilayn
intuu magac dhumi lahaa
dhulkuna dhaxal noqon laha
dhegaha ii fura dadow
dhibaato ka daalnayee
intaynu dhamaan lahayn
dhabtii waan dabar go,nee
waar hooy ma ka dhiidhinaa
ma rabo dhaawacaa walaal
ma rabo dhimashda halyay
ma rabo dhaqan dooriskee
u dhiiba cidamada hubkii

qaran loo wada dhan yahay
aan u aasno dhidibadoo
dhasheena badbaadino
dhacdiid aan u seexanoo
dhullkeena la qaybiyoo
qabiil loo kala dhigdhigo
ileen waa dhabar jabkeen
soomaalaay dhagarta fahan
ma rabo dhaawacaa walaal
ma rabo dhimashda halyay
ma rabo dhaqan dooriskee
u dhiiba cidamada hubkii

Exit mobile version