maxabadaa jacaylkaa
maskaxdayda miratoo
mayracatay waayadan

maalintaan isbarannaa
naftu kugu maqsuudoo
igu maaxday caashaqoo

miisaanka socodkiyoo
muuqaaga wacan baan
kaga maarmi waayoo
mahuraanku waa adi

muhashada dareenkaan
mirta dhexe kacaayoo
meedayeey iraahdaa

maya kuma samraayoo
igu mudan jacaylku
ila muuji adigunaa

miisaanka socodkiyoo
muuqaaga wacan baan
kaga maarmi waayoo
mahuraanku waa adi..

Exit mobile version