gabaryahay siriyo been
sama laguma gaaree
axdigaan saxiixniyoo
maxaa sababay caashaqa
sahal inaad u xoortaa

anigoo ku sugayaan
saddex kale ballamisoo
socodkii ku kulannee

ma saxbaa anoo dumar
aawadaa kaa saahiday
inaad subaxba kii ladan
adiguna la socotaa

qofna kuma samraayoo
sadrigiisa laba ruux
kuma sidi karaayeee
saaxiibba badaneey
ma sagaal qof baad tahayh

gabaryahay sideeydaba
kama helo saqleeyntiyo
inaad socodka badisoo
saqda dhexe habeenkii
hadba surin istaagtee

anoo kugu sahwinayaad
adna siriq igalisoo
khalad igu sameeysoo

ma sax baa nin caashaqu
kuu saaray calankoo
ula sidatid aadmiga
sun inaad u qooshtaaa

qofna kuma samraayoo
sadrigiisa laba ruux
kuma sidi karaayeee
saaxiibba badaneey
ma sagaal qof baad tahay.

Exit mobile version