Inaabtidayeey hibaaqeey
Hilaaciyo gu,ga da,aayaay
Haradoo biyawdiyo
Hoobaan bislaadaay

Hal abuurka gabaygiyo
Heestiyo waanada
Tii aan had iyo goor
Hanti uga dhigaayaay
Tii aan had iyo goor
Hanti uga dhigaayaay

Hibaaqeey habluhu
Habluhu haraadiyo
Inan guur ku hanatee
Adna ma ila haysaayoo
Ma isku kaa haleeyaa

Hibaaqeey habluhu
Waa mid haraadiyo
Inan guur ku hanatee
Adna ma ila haysaayoo
Ma isku kaa haleeyaa

Burco iyo hargaysaa
Laga helay warkaygoo
Jacayl i heloo
Haboolaaye gool

Habi waan se noqonlaa
Anoo kula hubsada guur
Hagaag kuu aroosoon
Jacayl leyla kula dega
Hagaag kuu aroosoon
Jacayl leyla kula dega

Hibaaqeey habluhu
Habluhu haraadiyo
Inan guur ku hanatee
Adna ma ila haysaayoo
Ma isku kaa haleeyaa

Hibaaqeey habluhu
Waa mid haraadiyo
Inan guur ku hanatee
Adna ma ila haysaayoo
Ma isku kaa haleeyaa

Exit mobile version