Hablaha qaar waxaa jira
Qurux loo dhameeyoo
Habka hadalka qiimo leh
Ma ogtahay ka qadiyeen

Adigu qeyb libaaxbaad
Qadaneey ku qaad
Qaarba kugu siyaada
Waanan kuu qushuucee

Qormo inaan yagleelnoo
Qoys aan dhisnaabaa
Qoondaystay aniguyee
Qalbigaaga taa gali
Qalbigaaga taa gali
Oo jacaylka ila qabo

Hablaha qaaradeenaad
Ugu qiimo weyntahoo
Dhaqankaa qanci lahaa
Marka la iga qaado

Imisaa nin qiimo leh
Qabri ciida lagu rogay
Ka is dilay jacaylkuba
Kaa quusan maayee

Qormo inaan yagleelnoo
Qoys aan dhisnaabaa
Qoondaystay aniguyee
Qalbigaaga taa gali
Qalbigaaga taa gali
Oo jacaylka ila qabo

Exit mobile version