VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Laanyahay magooshee - Lyrics

mudantii haweenkaay marwadii la sheegee dadku wada majiirtee dumar lama maseeyee muxibadii kalkacaay laanyahay magooshee midhihiyo caleentiyo manka lagu talaalee ubax lagu mariimee qurux lagu manaystaay mudaan yaranbaan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenadan sida mayayga rooboo kolba maayad keenaa ii muuqataayoo muhashada jacaylkaan hadba soo mirkacaya murti waa la dhuuxaa marwo dumar dhamaantod ninkii iga majeertow dhagtu waxay maqlaysaa adaa laabta maydhee maahmaahagaa ila maaxtamaayoo adigaa ku mahadiyee idilkood ma deeqda mala bixi karaysaa mudanaw ha yeeshee runta lagama maarmee sheekada micneeyoo mus duleedka dhaafoo geedkii mulaax wayn uga maydhax diiroo taad iila maqantay midhaheeda ii sheeg milgo hadaku leeyoo eraygii muquuna waa loo mashxaradaa madadaalo beenaad igu mayracaysaa marti waa loo sooraa magan waa la bixayaa ha u dhurin masiiboo maahmaahdu sheegtoo dhibta ha igu madiyayn mudo aan yaraynbaan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenadan sida mayayga rooboo kolba maayad keenaa ii muuqataayoo muhashada jacaylkaan hadba soo mirkacaya midhka aanku leeyahay aniguba maqaar saar mukur uguma jeedee raga murugadiisiyo maalbaa i damqaysee masalaha jacaylkuba kii aan ka maagee la ii sudhay mareegtee bada lagu muquunshaa maydhaan dad weeyee mudanow ha yeeshee runta lagama maarmee sheekada micneeyoo mus duleedka dhaafoo geedkii mulaax wayn uga maydhax diiroo taad iila maqantay midhaheeda ii sheeg
Queue is empty
-- / --