VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Laanyahay magooshee mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Maxamed Ibraahim Hadraawi
Laanyahay magooshee

mudantii haweenkaay
marwadii la sheegee
dadku wada majiirtee
dumar lama maseeyee
muxibadii kalkacaay
laanyahay magooshee
midhihiyo caleentiyo
manka lagu talaalee
ubax lagu mariimee
qurux lagu manaystaay
mudaan yaranbaan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga rooboo
kolba maayad keenaa
ii muuqataayoo
muhashada jacaylkaan
hadba soo mirkacaya

murti waa la dhuuxaa
marwo dumar dhamaantod
ninkii iga majeertow
dhagtu waxay maqlaysaa
adaa laabta maydhee
maahmaahagaa
ila maaxtamaayoo
adigaa ku mahadiyee
idilkood ma deeqda
mala bixi karaysaa
mudanaw ha yeeshee
runta lagama maarmee
sheekada micneeyoo
mus duleedka dhaafoo
geedkii mulaax wayn
uga maydhax diiroo
taad iila maqantay
midhaheeda ii sheeg

milgo hadaku leeyoo
eraygii muquuna
waa loo mashxaradaa
madadaalo beenaad
igu mayracaysaa
marti waa loo sooraa
magan waa la bixayaa
ha u dhurin masiiboo
maahmaahdu sheegtoo
dhibta ha igu madiyayn
mudo aan yaraynbaan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga rooboo
kolba maayad keenaa
ii muuqataayoo
muhashada jacaylkaan
hadba soo mirkacaya

midhka aanku leeyahay
aniguba maqaar saar
mukur uguma jeedee
raga murugadiisiyo
maalbaa i damqaysee
masalaha jacaylkuba
kii aan ka maagee
la ii sudhay mareegtee
bada lagu muquunshaa
maydhaan dad weeyee
mudanow ha yeeshee
runta lagama maarmee
sheekada micneeyoo
mus duleedka dhaafoo
geedkii mulaax wayn
uga maydhax diiroo
taad iila maqantay
midhaheeda ii sheeg

codkii Maxamed Ibraahim Hadraawi