Qofba wuxuu dhigtaystaa
Dhaxalkii ahaadee
Dhagar qabe aduunyada
Dhibi kama maqnaatee
2×
Saw dhiig islaameed
Dhiilaanimo kuma tuman
Saw dhiig islaameed
Dhiilaanimo kuma tuman
Hadaan dhuuni raacahay
Dhag xumaanta nololeed
Dhimashada xalaalee
Sow iima dhaantee
2×
Hadii aan ildheeriyo
Dadkii dhawrka lagu sabo
Kala nahay dhashaydii
Maxay dhaqasho ii tahay
Dhereg maxaan ku falayaa
Dharkuu muxuu i taraya
2×
Dhaldhalaalka beentiyo
Muxuu iiga dhigan yahay
Dhaldhalaalka beentiyo
Muxuu iiga dhigan yahay
Sawnigan dharkaygiyo
Cunay xabaal dhukaaleed
Dhererkiyo laxaadkii
Sownigan ka dheeliyay
2×
Sawnigan dhawaaqi la
Dhiilanaa maqlaayee
Sawnigan dhawaaqi la
Dhiilanaa maqlaayee
Dhaayihii wax aragiyo
Dhagihii awdmeen
Dhulku ila hadlaayee
Dhegtu uu dhicin tahay
Sownigan dhawaaqiyo
Dhiilada maqlaayee
Dhulku ila hadlaayee
Dhegtu uu dhicin tahay
Hadii aan ildheeriyo
Dadkii dhawrka lagu sabo
Kala nahay dhashaydii
Maxay dhaqasho ii tahay
Dhereg maxaan ku falayaa
Dharkuu muxuu i taraya
2×
Dhaldhalaalka beentiyo
Muxuu iiga dhigan yahay
Dhaldhalaalka beentiyo
Muxuu iiga dhigan yahay
Hadii dhaawac kugu yaal
Oon dhaymo loo helin
Dhaymadu waxay dhigaysa
Dhaqda oo la diidee
2×
Waxba dhawrsan maayee
Dhaqda loo badheedhee
Hadii ay dhab iga tahay
Halka ay ka dhawdahay
Dhuuntaan is jarayaa
Waxba dhawrsan maayee
Hadii ay dhab iga tahay
Wadne dhiiga kala hora
Dhuuntaan is jarayaa
Hadii aan ildheeriyo
Dadkii dhawrka lagu sabo
Kala nahay dhashaydii
Maxay dhaqasho ii tahay
Dhereg maxaan ku falayaa
Dharkuu muxuu i taraya
2×
Dhaldhalaalka beentiyo
Muxuu iiga dhigan yahay
Dhaldhalaalka beentiyo
Muxuu iiga dhigan yahay