Dumarkaba jamiiliyo
Jamaaday kuma oran
Subaxaadan ila jirin
Anniga jeex dhan bay iga maqan

Jabadkaan dhigayniyo
Jeeskii aa yagleenay
Dumar taan u jeclaay
Kaalay nimcooy
kaalay nimcooy Ila jooog
Qalbi kaalay ila joog

Niba uma jixin jixo
Rag kale laabta may tabin
Sida ruux jarmaad ah
Afkana jiirkii baa imaray

Jabadkaan dhigayniyo
Jeeskii aa yagleenay
Rag kaan jecleestoow
Kaalay jeestoow
kaalay jesetoo Ila jooog

Jeehaaga nuurka leh
Markaan jaleecee
Jeedaalo eegaba
Roob jacayl bay ii da’aa

Janadii aduunkee
Aan ku jeelbaxaayo
Wax kastoow aan jecleestiyo
Jidinkeegu waa adigee

Guga oo jinaamaha
Biyahii duljiifaan
Ama ubax jigjiga yaal
ayaad ila jaantahay

Sida dooxi jaradeed
Amase jserta subaxayd
Oo helay jigjiga wayn
Oo helay jigjiga
ayaa jaaha iga nuurtaa
jeestoo iga nuurtaa

Jabadkaan dhigayniyo
Jeeskii aa yagleenay
Dumar taan u jeclaay
Kaalay nimcooy
kaalay nimcooy Ila jooog
Qalbi kaalay ila joog

Jabadkaan dhigayniyo
Jeeskii aa yagleenay
Ragba kaan jecleestoow
Kaalay jeestoow
kaalay macaan Ila jooog

Exit mobile version