Talamooy dhaxantii
Dhuuxeey adaa
Inaan aado dhoofkiyo
Dhibta ii horseedee
Baraf soo dhacaayiyo
Kama hoydo dhaxantee
Dheeraad miyaa yimid
Dhitadii miyaan jirin
Miyuu dhabarku daranyahay
Bal ogoow dhagoorkiyo
Inaad dhuuxa surantahay
Anoo dhoof kumaqan baad
Ii keentay dhiiillada
??????????
Kaa dhaafay taladee
Haddu dhaawac kugu yaal
Anba waan dhutinayee
Dhanhoraadka caashaqa
Ka ilaali dheeliga
Haddiii aanad dhuuxeeyn
Isugeeyn dharaar
Soojeeda dhabarkuna
Iminkaynu dhawnee
Caashaqa madhaafnaa
Dhan markaan useexdaa
Anigoo dhadhabayaan
Kiciyaa dhallaankee
Dhibbaad ii horseedddoo
Dadka waan dhibsanayaa
Wadnahaad dhextaallaa
Sida dheeha olalee
Dhul miyaad kunooshahay
Haddii aanad dhuuxeey
Isugeeyn dharaar
Soojeeda dhabarkuna
Imminkaynu dhawnee
Caashaqa madhaafnaa