Dhawrsano jacayl
Aan wada sidnooo
Samaha qurxoon
Aan kusoo wadnoo

Samiriyo dulqaad
Sumadduu lahaa

Miyaan sibir qaraar
Sun abees noqdoo
Xarig lama sitaan

Sikastood nafkale
Oo adigu nafkale
Isku sahansantee
Waqti iga silloon
Iima saamaxee
Ku sigtayee
Allooww iga samata bixi

Exit mobile version