eegmada dareenku abuurtay
asaagaa indhuhu arki waayay
ka dhawaystay aadn mi agtaada
oloshada naftani ogolaadtay

kama dhigo afkayga amaanta
idilkood naftayda asiibtay
udugaagu oonka tiray laabta

sida ubaxa ilwaad iyo nuursan
oo beeyada ilowaad ku dhex yaala
ashqararay oonka dartaaye
arwaaxdayda jidhka ku ishaartey

oofisay xidhidhka adkaysay
dhankaagii axdiga amba
qaaday ku ilawney edeb
farxadeena arrinteena
wanaaga ku idlaaday

kama qadon ayaan eraygaaga
unug yaadu codkaaga ku uunsan
uu bucdana jacal ku abqaashay

Exit mobile version