hadii samir wax lagu helo
ama jacaylku sahan yahay

adigaan ku sugayoon
sida sabi dhalaanaan
nafta kugu sasabayee

saadaashii maan arag
ma sii dayn wacadkii
salalkana ma daayee

taladeenu seegseeg
yaanay muruqa laba suul
midba si kuu noqonine

hadii socod lagu tago
ama sabab kalgacalyahay

caashaqu sad weeyee
samo ma isla garana

Exit mobile version