VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hawada beenoo - Lyrics

Had iyo jeer hawlahaagan. Anigu heegan u ahaadee. Adiga way kuu hagaagte. Naftayday hibasho raacde. Intaad ii hiilin Lahayd baad. Habawsane igu tilmaante. ......... Adoon bixin waan hubaayoo. Huqdaadii hadhiba maysee. ........... Adaa hurda seexanaye. Habeenkaa ii dharaara. Intaad I hagaajin Lahayd baad. Halbawlaha midig I gooysee. .......... Hubqaad kaagan xasuusno. Hablaha kale lama hadlaayee. Naftaydaad hogol u tahay baad. Haraadkaa igu ilawdoo. Anigu wan kugu hamiyaa. Adigaan Haabka igu Haynin. ........... Humaagagaa I hodoo. Hadh iyo hoos ii ahaade. Hamada beenee aduunka. Aniga kola iga hadhayne. ........... Ha haybin haybin. Waxaanad Helayn. Ha hawlin naftee. Halaaga ka daa. ........ Haweenba dhamaan. Tanaan u hadree. Yartu halbawle goyse. Miyaan ka hadhi karaa. ........... Hurdada waan kugu arkaayo. Hadaan toosana Ku waayee. Hamada beenee aduunkaan. Aniga kola iga hadhayne. ......... Ha haybin haybin. Waxaanad Helayn. Ha hawlin naftee. Halaaga ka daa. ..... Haweenba dhamaan. Tanaan u hadree. Yartu halbawle goyse. Miyaan ka hadhi karaa. ....... Hedaydii baad ahaato. Naftaad hooga u horseede. Hamada beenee aduunkaan. Aniga kola iga hadhayne. ........ Ha haybin haybin. Waxaanad Helayn. Ha hawlin naftee. Halaaga ka daa. ......... Haweenba dhamaan. Tanaan u hadree. Yartu halbawle goyse. Miyaan ka hadhi karaa. .......... Had iyo jeer hawlahaagan. Anigu heegan u ahaadee. Adiga way kuu hagaagte. Naftayday hibasho raacde. Intaad ii hiilin Lahayd baad. Habawsane igu tilmaante.
Queue is empty
-- / --