hadaad gabadhyahay wax garad tahay
ninkii ku gayee gu' wada dhalateen
garayskaaga sow ma goyn karo
ninkii ila gado ee gayaanka noqdiyo
gu' iyo ha lagaadho goorteeda ee
garayskayga gacanta ha u celineey
hadaad guur u joogto gabadhyahay
gacan rag way salaantay gaadadoo
gole iyo nafba waa la gaadhsiinee
garawso ninkii i guursanaayaa
inuu gaadhi karo goshiyo naaskee
garayskaya gacanta ha u celineey
nin guurtiyahoo geed kuula socdaa
markuu gurigiina soo galo ee
ma garanwayday gogol in loo dhigo
nin guurmaday guri haduu tago ee
markuu soo galaba ma gacan dhaafee
gayaanka ma goonibaad tahay