suubantii haweenkay
farxadii naftayda
saxansaxo barwaaqiyo
sagal ii hilaacay
saw baafin socote
sawraca tilmantiyo
sinjiga iyo garashada
dadku kama sine
heedhe somaliba thaay
sawradaada qurixiyo
sawirka luulka
siduu eebe ku qoray
ila subaxa waberiga
sifo laguma koobaye
dumar waa u sidataa

hayeeshe sareedo
kol hadaan ku sahansaday
taladu ima seegine
saw godal kalgacalku
adiguna iskeen side

suubantii haweenkay
sadaasha filaye
midab suan casaniyo
san qaroor gududle
saw baafin socote
sawraca tilmantiyo
sinjiga iyo garashada
dadku kama sine
heedhe somaliba tahaay
hayeeshe sareedo
kol hadaan ku sahansaday
taladu ima seegine
saw godal kalgacalku
adiguna iskeen side

Exit mobile version