Oohey kulankii horjoogaagii
Hagoog dumar yahay laabta qurxoon
Indhihii halacsaday jacayl ku nabee

Oohey kulankii horjoogaagii
Hagoog dumar yahay laabta qurxoon
Indhihii halacsaday jacayl ku nabee

Hanaanka wanaagsan
Hadalkaagiyoo habkaad
U dhaqaaqdaybaan ka heloo
Kuu soo hirtayoo mabana hakanee

Hanaanka wanaagsan
Hadalkaagiyoo habkaad
U dhaqaaqdaybaan ka heloo
Kuu soo hirtayoo mabana hakanee

Hidiyo dhaqan baad
Hormood u tahee
Hidiyo dhaqan baad
Hormood u tahee
Anaa hugub haybad
Lagu sariyee

Hidiyo dhaqan baad
Hormood u tahee
Hidiyo dhaqan baad
Hormood u tahee
Anaa hugub haybad
Lagu sariyee

Xishoodka hadheeye halis galiyoo
Hirbaad tahay loo hanweyn yahayee
Hablahaad u hotmoodey hugashada ee

Xishoodka hadheeye halis galiyoo
Hirbaad tahay loo hanweyn yahayee
Hablahaad u hotmoodey hugashada ee

Sidii hogol hoortey kuugu hirtoo
Hilaac wacanaynay naftay huguntoo
Markay hanqaday mabay hakanine

Sidii hogol hoortey kuugu hirtoo
Hilaac wacanaynay naftay huguntoo
Markay hanqaday mabay hakanine

Hidiyo dhaqan baad
Hormood u tahee
Hidiyo dhaqan baad
Hormood u tahee
Anaa hugub haybad
Lagu sariyee

Hidiyo dhaqan baad
Hormood u tahee
Hidiyo dhaqan baad
Hormood u tahee
Anaa hugub haybad
Lagu sariyee

Exit mobile version