hoheey kulankii horjoogaagiyo
hagoogta maryaha hilaabta qurxoon
indhihii halacsaday jacayl ku ladhee

hanaanka wanaagsan hadalkaagiyo
habkaad u dhaqaadayban ka heloo
kusoo hirtayoo mabana hakinine

hidiyo dhaqanbaad hormuud u tahee
anaa huba haybad lagu saaryee

xishoodka hadheeyay halis galiyoo
hirbaad tahay loo han waynyahyee
hablaad u hormooday hugashada

sidii hogol hoortay kuugu hirtoo
hilaac wacaney naftaa hugunto
markay hinqatay mabay hakanine

Exit mobile version