xaawaba iblaysbaa janadii ka xooroo
xukunkiisa maqashaye waa xasuuse ila garo

xays da'ay aroornimo kob xareedu wadhantay
xuural cayn la moodyeey haa weey xubi jacayleey

ha u xilanin nacabkoo yaanu helin xogteenana
xagna yay u dheeliyin xaajada dhexdeenuye

xigtooy ruux ku jeceloo kuna raba xanaaneey
xumaan laguma daya oo looma jaro xadhkaha adag

xamakowgu geedaha siduu ugu xayiranyahay
xuural cayn la moodyeey haa weey xibiyeey jacayleey

Exit mobile version