hadii dadka qaar karhaan
anaa kalgacaylka dhowra
anaa koriyo dhibaato
luriyo kalifaad u diida
kashana anigaa ku sooraa

kadeed iyo dhaawac gaadha
anaa kurba dhinac marshoo
kalsoonida anaa u dhaabay

ha kaalin galee jacayl kaalay
adoon kalmed kale i odhan kaalay
kurbana macaan i badin kaalay
qalbigad kasbataaye ii kaalay

a haduu nacab kalagooya
jacaylka anaa kolkoosha
anaa karameeyaya oo
kal iyo laabna ugu faana
kolka anigaa ciseeya

kastoo u taagay taalo
anoo kaa maarmin karayn
jacayl kaamila ha dheelsan

ha kaalin galee jacayl kaalay
adoon kalmed kale i odhan kaalay
kurbana macaan i badin kaalay
qalbigad kasbataaye ii kaalay

Exit mobile version