inkastuu duulayoo
dal shisheeye tagay
dareenkayga caashaqu
hadba wuu ka darayaa
misna waan dul qaataa

dookhayga aragtida
dayax soo iftiimay
dumar kale ma eegine
ilayn kugu doorsan maayee

ubadkeena dahabka ah
adigaa daryeeloo
u dadaala reerkee
intaad dinida nooshay
darxumiyo dhibaataba
DAA'IMKAY ha kaa jiro
deeqa luuladaydaay
khadra luuladaydaay

cirka oo da'ayoo
daruuro leh
dooxiyo banaanada
buluc yidhi daadkii
durduradu biyoobeen

doogiyo caleentii
sida ubax dilaaceen
daa'uus la moodee
dun xariirabad tahay

Exit mobile version