inkastoo filkii kacay
midii aan ka fiirsaday
dhul fog ay kunooshahay

ma fiyooba laabtu
anoon fiidkii ledi karin
markaan faaladeediyo
helo fariimaheedaa
farxad ii siyaaddaayeey

faynuus iftiin badaneey
fallaaraha cadceeddaay
dumar ugu filrooneey
fartuun sharaf ii kaalay
adaa igu filan ii kaalay

inkastoo fariyo fool
jacayl iiga faafoo
iguligay fallaaraha

waxaan kaaga fadhiyaa
kalgacalkaan fiday
ee la igu faraq xiray
inaad ila firaashtoo
ila fuliso wacadkii

faynuus iftiin badaneey
fallaaraha cadceeddaay
dumar ugu filrooneey
fartuun sharaf ii kaalay
adaa igu filan ii kaalay.

Exit mobile version